Home Wararka Maanta Magaalo Dhan oo lacag lagu Bixinaayo Hadii Lagu arko Qof Tuugsanaaya

Magaalo Dhan oo lacag lagu Bixinaayo Hadii Lagu arko Qof Tuugsanaaya

0

Warbaahinta dalka Hindia ayaa aad u hadal heysa ammar kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Hyderabad ee ku taalla Koonfurta dalka Hindia, kuwaa oo doonaya in magaaladaasi laga mamnuuco dadka tuugsanaya.

Maamulka magaalada ayaana sheegay in qorsheenayaan kahor 15-ka bisha December ee sannadkan in magaalada laga sifeeyo gabi ahaan dadka tuugsanaya, kuwaa ay ku eedeeyeen in ay wax u dhimeen sumcada magaalada iyo dadkeeda.

Waxaana loo ballan-qaaday dadka soo sheega sidoo kale keena xogta dadka magaalada ku dhax tuugsanayo in la siinayo abaal-marin lacageed oo dhan 500 oo rupee oo u dhiganta 7 doolarka Mareykanka.

Taliyaha booliiska ee magaalada  Hyderbad ayaa ku dhawaaqay labo billood oo magaalada laga mamnuucayo dadka tuugsada, waxa ayna booliiska bilaabeen in meelaha qaar ka qab qabtaan dadka tuugsada.

Ad
Previous articleCiidamada Xooga Dalka oo Mudug Ku laayay Saraakiil Alshabaab ah
Next articleDowladda Ingiriisku oo Ku bixisay lacag ka badan hal milyan oo doolar tarxiilka wiil Soomaali ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here