Home Wararka Somaliya Puntland Ciidamada Unkad oo Dagaal Culus ku Qaaday Daacish iyo Dagaal Culus oo...

Ciidamada Unkad oo Dagaal Culus ku Qaaday Daacish iyo Dagaal Culus oo socda

0

Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu maanta degaano ka tirsan gobolka Bari ku dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa kooxda Daacish ee fariisimaha ku leh buuraleyda gobolkaas.

War ka soo baxay taliska ciidanka difaaca Puntland gaar ahaan Qaybta 7-aad urur ka Onkod ayaa lagu sheegay iney cagta mariyeen saldhigyo ay lahaayeen Daacish

“Ururka Onkod ee ciidamada Difaaca Puntland ee ka howlgala degmada Balidhidin ee gobalka Bari ayaa cagta mariyey Talisyo dhowr ah oo ay ku dhuumalysanayeen kooxda argagixisada ah ee Daacish ee ku dhuumaalaysta Buuralayda Calmadow ee gobalka Bari”.ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in ciidamada Difaaca Puntland ay khasaare u geysteen kuwa Daacish.

Ciidamada Difaaca Puntland ayaa asbuucyadii ugu banbeeyay laba jibbaaray howlgallada lagula dagaalamayo Kooxaha Daacish iyo Al Shabaab ee fariisimaha ku leh Buuralayda Golis iyo Cali Miskaad ee Gobalada Sanaag iyo Bari.

Ad
Previous articleAlshabaab aruuniyay Zakawaat oo la Laayay iyo Dowlada oo ka Hadashay
Next articleRuushka oo xabsiga dhigay weriye lagu eedeeyey inuu u basaasayey Mareykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here