Home Wararka Maanta Marykanka oo Hanjbaadii u Danbaysay u soo Diray Madaxda Soomaalida

Marykanka oo Hanjbaadii u Danbaysay u soo Diray Madaxda Soomaalida

0

Dowladda Mareykanka ayaa ka dhabeesay hanjabaad ay horey hawada ugu marisay madaxda Soomaalida ee sababta u ahaa in dib u dhac waqtiga dheer ku yimid jadwalka doorashada gollaha shacabka oo mar kale ka dib dhacday xilligii horey loogu heshiiyay.

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay fulineyso xayiraada dhinaca safarka ama viisaha ee lagu soo rogay madax katirsan dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo loo heesto dib u dhaca doorashada.

Warqad daba socotay go’aanka Mareykanka ee Xayiraadda Safarka ee soo baxday 8dii Febaraayo 2022 laguna soo beegay 25ka Febaraayo 2022 oo ah maalintii ugu dambeysay jaangoynta Doorashada ayaa lagu muujiyay sida Washington ay uga xun tahay daaha Doorashada gaar ahaan jadwalkii ugu dambeeyay ee ahaa 15ka Janaayo ilaa 25ka Febaraayo 2022.

Mareykanka xayiraada dhinaca socdaalka ay kusoo rogtay madaxda Soomaalida ee aan la magacaabin ayaa  loo cuksaday 212 (a) (3) (C) ee sharciga socdaalka iyo jinsiyadda si loo dhadhansiiyo ciqaab danka safarka ah shakhsiyaadka mas’uulka ka ah dib u dhaca Doorashooyinka Soomaaliya.

Ad
Previous articleCiidamada Ukrain oo Bilaabay inay is Qarxiyaan si ay Ruushka isaga Difaacaan(Sawiro)
Next articleMadaxweynaha Ukrain oo iska Diiday Dalab uga Yimid Madaxweynaha Maraykanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here