Home Wararka Maanta Ciidamada Uganda oo dad isku QOYS ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

Ciidamada Uganda oo dad isku QOYS ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose

0
 Ciidanka Militariga Uganda ee qaybta ka ah Hawlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee ATMIS ayaa gelinkii dambe ee shalay dad isku qoys ahaa ku laayay Gobolka Shabeellaha Hoose.

Tani ayaa ka dambeysay, kadib markii Ciidanka Uganda ee saldhigga ku leh deegaanka Ambareeso ee duleedka Degmada Baraawe ay madaafiic ku garaaceen deegaanka Mudul Baraawe, oo Degmada Baraawe kaga beegan dhanka Degmada Sablaale.

Mid ka mida madaafiicdaasi ayaa ku habsaday guri ay dadka rayid ah deganaayeen, iyadoona ay goobtaasi ku geeriyoodeen lix carruur ah oo wada dhalatay, mid kalena uu ku dhaawacmay.

Wax badan lagama oga sababta ka dambeysa in Ciidanka Uganda ay madaafiic ku harqiyaan deegaankaasi, balse warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in lagu arkay xubno ka tirsan mintidiinta Al-Shabaab.

Jimcihii ayay ahayd markii maleeshiyada Shabaabka ay weerar xoogan ku galeen xeradii ay Ciidanka Uganda ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolkaasi.

Madaxweynaha dowladda Uganda, Yoweri Museveni ayaa sheegay in weerarkaasi ay soo qaadeen illaa 800 oo xubnood, isaga oo qiray inay cagta mariyeen saldhigga ciidanka Uganda ee magaalada Buulo-Mareer.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Natiijada Dalka Turkiga Oo Soo Baxday Yaa Guulaystay?
Next articleCabdiweli (Gaas) oo ku biiray siyaasiyiinta sida weyn uga horyimid qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here