Home Wararka Caalamka Ciidamada Suudaan oo la wareegay Goobta Muhiim ah Wadanka itoobiya

Ciidamada Suudaan oo la wareegay Goobta Muhiim ah Wadanka itoobiya

0

Ciidanka dalka Suudaan ayaa la wareegay qaybo badan oo ka mida dhulka deegaanka Al fashaqa ee dhaca xuduudka uu la wadaago dalka Itoobiya.

Sidoo kale ciidanka Itoobiya ayaa la geliyey heegankii ugu sarreeyey sida uu sheegay Genten Aadan oo ah agaasimaha waxaad xidhiidhka dadweynaha ee Ciidanka difaaca Itoobiya.

Hoggaamiyaha dalka Suudaan Cabditafaax Al Buhraan oo maalintii shalay isaguna booqasho ku yimi dhulka laysku hor fadhiyo ayaa wacad ku maray in aanay soo laaban doonin tan iyo inta ay ka aargudan doonaan Itoobiya.

Xiisadda labada dhinac ayaa ka kacday 7 askari oo ciidanka Suudaan ka tirsan kuwaas oo lagu dilay gudaha Itoobiya ka dibna maydkooda bannaanka la wadhay.

Ad
Previous articleP.M Rooble oo Xilka ku Wareejiyay Raysulwasaare Xamse Cabdi Bare(Sawiro)
Next articleVilla Soomaaliya oo markale Shaacisay Xaalada Madaxweyne Xasan Shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here