Home Wararka Caalamka Ciidamada Ruuska oo Gudaha U Galay Caasimada Ukrain(Sawiro)

Ciidamada Ruuska oo Gudaha U Galay Caasimada Ukrain(Sawiro)

0

Muuqaallo baraha bulshada lagu baahiyey ayaa muujinaya Taangiyada Ruushka oo dhex mushaaxaya waddooyinka waaweyn ee caasimadda Ukrine ee Kyiv

Wasaaradda gaashaandhigga Ruushka ayaa xaqiijisay iney gudaha u galeen mid ka mid ah degmooyinka Magaaladaasi aya socdaan dagaalo qaraar.

Ciidamada Ukraine ayaa Dhinacooda sheegay in haatan dagaal xoog leh uu ka socdo duleedka caasimada Kyiv gaar ahaan degaanada Dymer iyo Ivankiv, halkaasoo ay ku soo gaareen tiro badan oo ah gaadiidka gaashaaman ah ee Ruushka.

Qoraal la soo dhigay bogga rasmiga ah Facebook ee ciidamada qalabka sida ee Ukraine ayaa lagu sheegay in ciidamadu ay wadaan iska caabin.

Goobjoogayaal ayaa markaa sheegay in ay arkeen ciidamada Ukraine oo wata qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaallada oo fariisimo difaac ka dhigaya geesaha waddooyinka, xitaa bartamaha caasimadda.

Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in Ciidanka Ruusha ay Saddex jiho oo kala duwan ka galeen caasimadda Ukraine, haatana ay muuqato wax u eg in la go’doomiyay magaalada.

Ciidamada Ukraine ayaa saacadihii hore qarxiyay dhowr buundooyin soo gala caasimadda si ay isku dayaan oo ay u hakiyaan weerarka.

Ruushka ayaa shuruudo adag ku xiray joojinta duulaanka xooggan oo ay ku qaadeen Ukrain, waxaana shuruudaha ka mid ah  in Ukrain ay dhexdhexaad ka ahaato arrimaha NATO iyo Ruushka isla markaana hubka dhigto dalkoodana aysan u ogolaan wax hub ah oo Banaanka uga yimaada.

Dhinaca kale, Dayuurad Xamuul oo ay Milliteriga Ruushku lahaayeen ayaa burburtay, Diyaaradaasi oo nooceedu ahaa Antanov An-26 Transport Plane ayaa waxay ku burburtay Gobolka Voronezh ee Koonfurta Raashia,  una dhow Xuduudka dalka Ukraine waxayna waday saahay milateri iyadoo dhamaan ay ku dhinteen 6-dii qof ee shaqaalaha ka ahayd.

Ad
Previous articleDoorashada Banaadiriga oo Maantay Lasoo Gabagabeeyey(Aqriso Magacayada kusoo Baxay)
Next articleTirada Ciidamada Ruushka ugu Dhimatay Dagaalaka Ruushka oo la Shaaciyay Xili Wali Dagaal Xoogan Socdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here