Maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo culus oo lagu xoojinayo ammaanka magaalada Baydhaba, si looga hortego weerarada ay mararka qaar Al-Shabaab la beegsadaan garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud, xeendaabka Madaxtooyada iyo saldhigyada ciidamada ee magaaladaasi.
Ciidamadan ayaa si gaar ah uga hortagaya weerarada hoobiyeyaasha loo adeegsado ee ay Al-Shabaab ku qaadaan gudaha magaalada Baydhaba oo xarun KMG u ah Koonfur Galbeed.
Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in la xoojiyay ciidamadii ku sugnaa gudaha magaalada, waxaana lagu kordhiyay kuwa kale oo baro cusub ka sameystay Baydhaba iyo agagaarkeeda.
Taliyaha ciidanka Daraawiishta Koofur Galbeed Gaashaanle Sare, Isaaq Cali Isaaq (Maadey) oo ay wehliyaan taliyaha Booliiska iyo saraakiil kale ayaa tagay qaar kamid ah saldhigyada cusub ee ciidankaas, iyaga oo u kuurgalaya howlgallada lagu sugayo amniga magaaladaasi, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay ka feejignaadaan weerarada kooxda Al-Shabaab.
Ujeeda ugu wayn ayaa ah in ciidamada ay isha ku hayaan amniga magaaladaan oo mar dhow martigelin doonto doorashada maamulka, walow uu ka taagan yahay muran xoogan.