Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug oo weerar Qorsheysan ka fuliyay Deegaan hoostaga Ceelbuur

Ciidamada Galmudug oo weerar Qorsheysan ka fuliyay Deegaan hoostaga Ceelbuur

0

Wararka ka imanaya degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Galmudug inay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Guddoomiyaha degmada Ceelbuur Nuur Xasan Guutaale ayaa warbaahinta u sheegay in howlgalkaas lagu dilay laba ka mid ah argagixisadii ku sugnayd deegaanka Baruujeed oo hoostaga degmada Ceelbuur.

Dhinacakale masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in hawlgallo ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab ay ka socdaan deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, balse weli faahfaahin kama bixinin weerarkaan u dambeeyey ee ka dhacay duleedka Ceelbuur

Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo shaacisay imtixaanka Dowladda iyo ardaydii ku dhacday
Next articleMadaxweyne Xasan Sheikh oo khadka Telefoonka kula hadlay Madaxweynaha cusub ee Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here