Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Galmudug oo Sadex Degaan kala Wareegay Alshabaab

Ciidamada Galmudug oo Sadex Degaan kala Wareegay Alshabaab

0

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoreynta degaanada bariga gobolka Galgaduud ayaa galinkii dambe ee maanta si nabdoon kula wareegay degaanka Labo-dulle oo in ka yar 16km ujira magaalada Ceel-lahelay ee gobolka Galgaduud, kadib markii Al-Shabaab ay deegaankan isaga baxday saacado ka hor.

Howlgalka oo ah mid baaxad weyn ayay hoggaaminayeen Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Taliyaha ciidamada xoogga dalka iyo Madaxweynaha Galmudug oo ay furinta ku wehliyaan Xildhibaannada federaalka iyo Galmudug, kumatala deegaannada howlgalkani ka socdo.

Dhinaca kale, Ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maanta howlgal ka dhan Al-shabaab ka sameeyay Deegaanno ka tirsan koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa gudaha u galay Deegaannada Laas-gacameey, Dhaghaye iyo Xeradii Taliska 21aad ee Duleedka Bacadweyne halkaasoo la sheegay in ay ku sugnaayeen Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidankaas maanta hogaamineysay ayaa sheegay in Al shabaab ka isaga baxeen Degaanadaasi.

Howgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Galgaduud iyo Hiiraan, kuwaasoo ay iska kaashanayaan Dadka shacabka iyo Ciidamada Dowladda.

 

 

Ad
Previous articleKulan lagu Taageerayay Kacdoonka Looga Saaraayo Alshabaab Galmudug oo Gaalkacyo Lagu Qabtay(Sawiro)
Next articleDeg Deg: Ciidamada Daraawiishta Galmudug oo Gacanta Kusoo Dhigay Sarkaal Sare oo Alshabaab ah(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here