Home Wararka Maanta Dowlada Qatar oo kusoo Biirtay Dagaalka Alshabaab lagula jiro(Sawiro)

Dowlada Qatar oo kusoo Biirtay Dagaalka Alshabaab lagula jiro(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan la qaatay Taliyaha ciidanka qalabka sida ee Qatar, Salem bin Hamad Al Nabit, oo ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca amniga iyo dagaalka Alshabaab.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay guullo waaweyn ka gaartay dagaalka ay ku ciribtireyso Kooxda Alshabaab, isagoo uga mahadceliyay dowladda Qatar doorka joogtada ee ay ka qaadato dib u dhiska ciidamadeena.

Taliyaha ayaa dhankiisa ku ammaanay dowladda Soomaaliya guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaalka Khawaariijta isaga oo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo wadashaqeynta ay leeyihiin hey’adaha amniga Soomaaliya.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Kuwa Deegaanka oo Kaabiga Ku haaya Degmada Bacaadwayn(Sawiro)
Next articleBeesha Xawaadle iyo Madaxwayne Xasan Shiikh oo Heshiis Rasmi ah Gaaray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here