Home Wararka Somaliya Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Deegaano ka Tirsan Galgaduud

Ciidamada Galmudug iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Deegaano ka Tirsan Galgaduud

0

Wararka ka imanaya  Galmudug ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ee qeybta 21aad ay la wareegeen deegaano hore leh oo u dhexeeya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanada labi-dulle iyo dhabana-dhulkuheys oo ay hore ugu sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo dhinacyada soo kala gaaray.

Maalmo kahor ayey aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kwua Galmudug ay la wareegeen deegaanka Sinadhaqo iyo tuulooyin kale oo hoostega magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas shalay booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Ad
Previous articleShirka Afisyooni oo la Balaarinayo iyo Madaxdii Hore oo ka Qeyb galaya
Next articleTaliska C X D oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here