Home Wararka Somaliya Taliska C X D oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Galmudug

Taliska C X D oo ka hadlay Dagaal ka dhacay Galmudug

0

Taliska C X D  ayaa ka hadlay dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidanka Milateriga Soomaaliya gaar ahaan qeybta 21-aad iyo Dagaalamayaasha  Al-shabaab oo saakay ka dhacay deegaano ka Tirsan Koonfurta  galgaduud.

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya  General Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya  ayaa u sheegay in Ciidanka Xoogga ay weerar ku qaadeen deegaanka labi-dulle oo fariisimo ay ku lahaayeen Al-shabaab, uuna halkaas ka dhacay dagaal Culus.

 

Taliye Tahliil Biixi Waxaa uu sheegay  in weerarka oo ay qaadeen Ciidamada qeybta 21-aad iyo kuwa Gorgor ay kula wareegeen gacanta ku heynta deegaanka labi-dulle oo shabaabka ay weeraro kasoo qaadi jireen, waa sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay Taliyaha Ciidamada Dhulka in khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkii ka dhacay Galgaduud, isla markaana haatan Ciidanka ay ku sugan yihiin deegaankii ay qabsadeen.

Isaga oo sii hadlaayay Gen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa waxaa uu sheegay in howlgalka uu sii socon doono ilaa iyo inta ay Al-shabaab ka saarayan deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Mudug iyo Galgaduud ee Maamulka Galmudug.

Malmo kahor ayey aheyd markii Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kwua Galmudug ay la wareegeen deegaanka Sinadhaqo iyo tuulooyin kale oo hoostega Magaalada Dhuusamareeb, waxaana halkaas shalay booqday Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor.

Ad
Previous articleCiidamada Galmudug iyo Alshabaab oo ku dagaalamay Deegaano ka Tirsan Galgaduud
Next articleDeg Deg Dhageyso Shirkii Afisyooni oo Burburay iyo Xukuumadda oo Jubbaland iyo Puntland ku Eedaysay arima xasaasi ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here