Home Wararka Somaliya Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xiray dhamaan Wadooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya, xili...

Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xiray dhamaan Wadooyinka soo gala Madaxtooyada Soomaaliya, xili uu jiro kulankii Barlamaanka (SAWIRO)

0

Isgoska Xaaji Baasto illaa Sayidka ayaa saakay ay xireen Ciidamada Amniga Dowladdq Soomaaliya oo wata gaadiidka loo yaqaano Cabdibile, waxaana Wadooyinka Lagu jaray Gaadiidka Dagaalka.

 

Baarlamaanka Soomaaliya  ayaana maanta leh mid ka mid ah kulamadooda iyada oo Guddoonku ganaxaay 15 ka Xildhibaan oo fadhigii hore hor istaagay.

Saacado ka dib Markii Ciidanku xiray ilaa shaqaalaha Hadana waxaa dib Loo furay wadada Shaqaalaha, waxaana Laga xiray Wadooyinka isgooska Dabka ee Muqdisho.

Qaabka Wadada loo xiray ayaa u muuqata in Lagaga hor istaagayo xildhibaanada fadhiga ka ganaaxan oo iyagu ku goodiyay in ay tagidoonaan.

Waxaa jirta Cabsi xoogan oo Laga qabo Muddo kororsi, waxaana sidoo kale Dhamaan Baraha Madaxtooyada Laga ilaaliyo Laga qaaday Ciidamadii Koofiya casta waxaana Lagu wareejiyay Kuwa NISA.

 

Xaalada Muqdisho ayaa Maanta kacsan waxaana La sugayaa Go’aanka Xildhibaanada ay gaaraan.

Ad
Previous articleGolaha Shacabka Soomaaliya oo Biri Kulmaya iyo 3 ajande oo Biri Laga Hadlayo
Next articleCiidamo Cusub oo La wareegay Amniga Madaxtooyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here