Isgoska Xaaji Baasto illaa Sayidka ayaa saakay ay xireen Ciidamada Amniga Dowladdq Soomaaliya oo wata gaadiidka loo yaqaano Cabdibile, waxaana Wadooyinka Lagu jaray Gaadiidka Dagaalka.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaana maanta leh mid ka mid ah kulamadooda iyada oo Guddoonku ganaxaay 15 ka Xildhibaan oo fadhigii hore hor istaagay.
Saacado ka dib Markii Ciidanku xiray ilaa shaqaalaha Hadana waxaa dib Loo furay wadada Shaqaalaha, waxaana Laga xiray Wadooyinka isgooska Dabka ee Muqdisho.
Qaabka Wadada loo xiray ayaa u muuqata in Lagaga hor istaagayo xildhibaanada fadhiga ka ganaaxan oo iyagu ku goodiyay in ay tagidoonaan.
Waxaa jirta Cabsi xoogan oo Laga qabo Muddo kororsi, waxaana sidoo kale Dhamaan Baraha Madaxtooyada Laga ilaaliyo Laga qaaday Ciidamadii Koofiya casta waxaana Lagu wareejiyay Kuwa NISA.
Xaalada Muqdisho ayaa Maanta kacsan waxaana La sugayaa Go’aanka Xildhibaanada ay gaaraan.