Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Ciidamada Dowladda oo dilay Xubno katirsan Al ShabaabMeydkoodana Soo Bandhigay iyo Hub...

Ciidamada Dowladda oo dilay Xubno katirsan Al ShabaabMeydkoodana Soo Bandhigay iyo Hub gaadiid aykasoo furteen(Sawirro)

0

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan ayaa dilay xubno la sheegay in ay katirsanaayeen Al Shabaab sidoo kale soo furtay gaari iyo hub.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa dilay labo nin oo la sheegay in Al Shabaab u qaabilsanaayeen aruurinta canshuuraha, waxaana ragan lagu dilay howlgal gaadmo ah oo ciidamada ka fuliyeen Moqokori.

Ciidamada dowladda ayaa meydadka labada nin ay dileen iyo hubkii iyo gaarigii ay wateen waxa ay geeyeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, waxaana goobta lagu soo bandhigay isugu soo baxay dadka deegaanka .

Sargaal katirsan ciidanka dowladda oo warbaahinta kula hadlay Maxaas ayaa sheegay in ragan la dilay ay baad ka qaadayeen dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay in ay sii wadayaan howlgalada ay ku beegsanayaan Al Shabaab.

Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa deegaano katirsan gobolka Hiiraan ka bilaabay howlgalo gaadmo ah ay ku beegsanayaan Al Shabaab, howlgaladan ayaana lagu dilay xubno katirsan Al Shabaab sidoo kale lagu soo qabtay kuwa kale oo nool.

Ad
Previous articleDekedda Garacad oo maanta si rasmi ah xariga looga jaray
Next articleDowladda Qatar oo billowday cutub cusub oo ku saabsan Dowlada uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikhya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here