Home Wararka Maanta Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub

Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay degaano cusub

0

Wararka aan ka helayno gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidanka gaarka ah ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka iyo Booliska Haramcad ay si buuxda ula wareegeen deegaanada Gandarshe iyo Jilib Marka oo hoostaga magaalada Marka ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanadaasi ay horey ugu sugnaayeen dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab, balse dagaal kooban kadib ay isaga baxeen deegaanadaasi.

Howl-galo qorshaysan oo ay sameeyeen ciidanka ammaanka ayaa saraakiisha ciidamadu sheegeen in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Ciidanka NISA iyo Booliska Haramcad ayaa hore waxay howl-galo ballaaran uga sameeyeen deegaano badan oo ku yaalla inta udhaxeysa Muqdisho illaa magaalada Marka, waxaana Al-Shabaab laga saaray jidka isku xira labadaas magaalo.

Howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa sii xoogeysanaya, ayada oo maalinba maalinta ka dambeysa kooxda ay ku furmayaan furun cusub oo dagaal, taasi oo sii adkeyneysa inay is-difaacaan.

Tan iyo markii uu billowday kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxay kooxda weysay gacan ku haynta deegaano aad u badan, kuwaasi oo qaarkood ahaayeen saldhigyo muhiim u ah.

Ad
Previous articleSoomaaliland oo Amartay in La jaro Isgaarsiinta Magaalada Laaso Canood
Next articleWar Deg Deg Ah:- Magaalada Laascaanood oo lagu laayay Odey dhaqameed Caan ah iyo Dad kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here