Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Ciidamada Dowlada oo Goordhow Dib ulawareegay Degaan Dhawaan Alshabaab Xoog Ku Qabsadeen

Ciidamada Dowlada oo Goordhow Dib ulawareegay Degaan Dhawaan Alshabaab Xoog Ku Qabsadeen

0

Wararka laga helayo gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgallo ka sameeyeen duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Ciidamada ayaa weerar ku qaaday deegaanka Deynuunaay oo muddooyinkii dambe ay gacanta ku heysay kooxda Al-Shabaab, waxaana u suuragashay inay la wareegaan. Daynuunaay ayaa waxaa ku yaalla Saldhig muhiim ah.

Ilo deegaanka ah ayaa innoo sheegay in cidamada aysan la kulmin wax iska cabin ah, isla-markaana ay si nabadoon ku galeen gudaha deegaanka Daynuunaay ee gobolka Baay.

Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Al-Shabaab ay isaga huleeleen deegaankaasi, kadib markii ay ka war heleen inay ku soo wajahan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed.

Sidoo kale ciidamada huwanta ayaa maanta dib u qabsaday deegaanka Moodo Moodo uu dhow degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, halkaas oo ay ciidamadu ka sameysteen fariisimo cusub.

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay howlgalladaasi ayaa boggaadisay ciidamada Xoogga dalka ee Al-Shabaab ka saaray deegaanadaas oo muhiim u ah isku socodka degmooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba.

Ad
Previous articleAskari Ka Tirsanaa Ciidamada Milateriga Soomaaliya oo Alshabaab kala Shaqeeyey weerar ay ku Qaadeen Garoonka aadan Cadde oo Dil Toogashaa lagu Xukumay
Next articleKulankii labaad ee Golaha Shacabka oo Maantay Markale Sabab Yaableh baaqday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here