Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo Alshabaab kala Wareegay Deegaano Cusub

Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo Alshabaab kala Wareegay Deegaano Cusub

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo iskaashanaya ayaa maanta la wareegay Deegaanno dhaca Galbeedka Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Degaanada Ciidamadu la wareegeen ayaa horay waxaa u joogay Al Shabaab, Ciidamada ayaana weerar jahooyin kala duwan leh ku qaaday dagaalyahano halkaas isku urursanayey.

Warbaahinta dowlada oo warkan baahisay ayaan magacaabin degaanada lagala wareegay Al-shabaab ee dhaca galbeedka degmada Xarardheere

“Ciidamada xoogga ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan deegaanadii ay Khawaarijtu dadka ku dhibaateyn jireen, halkaasi oo ay iminka ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ay ka wadaan howlgallo Nabadgelyada lagu xaqiijinayo” ayaa lagu yiri qoraal lagu baahiyey Idaacada ku hadasha codka DF.

Ad
Previous articleGudoomiye Cali Jayte oo Ciidamo uu Hogaaminaayo oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab
Next articleWaddan Islaam ah oo dal abaal weyn u galay eey ugu abaal guday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here