Home Wararka Maanta Waddan Islaam ah oo dal abaal weyn u galay eey ugu abaal...

Waddan Islaam ah oo dal abaal weyn u galay eey ugu abaal guday

0

Eeyga nooca loo yaqaan adhijirka Jarmalka ama afka qalaad “German shepherd” ayaa ka degay Mexico ka dib markii Turkiga lagasoo duuliyey, si uu Turkigu ugu muujiyo Mexico abaalka ay u gashay ka dib markii ay ku caawisay eeyo loo adeegsaday in lagu baadi goobo dadka ku jiray dhismeyaasha hoostooda ka dib markii uu Dhulgariir ku dhuftay Turkiga bishii Febraayo ee sannadkan.

Turkiga ayaa sheegay in uu rajeynayo in eeygan yari “sii wadi doono dhaxalkii” Proteo oo ahaa ey ku dhintay hawl galkii dadka lagu baadi goobayey kana mid ahaa kuwa ay Mexico ku deeqday.

In ka badan 50,000 oo qof ayaa ku dhintay dhul-gariirka oo Turkiga u badnaa balse sidoo kale saameeyay qaybo ka mid ah Suuriya .

Eeygan yar ayaan weli loo wal qalin ama loo magac bixin.

Wasaaradda gaashaandhigga Mexico oo iyadu laylida eyda loo adeegsado baadi goobka iyo samata bixinta ee dal iyo dibadba ayaa, ayaa dadweynaha ka codsatay in ay u codeeyaan mid ka mid ah saddex magac oo kala ah: Proteo kii labaad, ‘Arkadas’ oo afka Turkiga ka dhigan Saaxiib ama ‘Yardim’ oo af Turkish ah, kana dhigan gargaar.

Dawladda Mexico ayaa sheegtay in hadiyadda Turkiga ee Eeygan ay muujinayso in “gargaarka biniaadminimo uusan xad iyo soohdin toona lahayn”.

Wasaaradda ayaa sidoo kale boggeeda ay Twitterka ku leedahay soo dhigtay lifaaq ay taageerayaasha eeygan yari kala soco karaan safarkiisa lagasoo bilaabo Istanbul ilaa iyo uu kasoo gaarayey Mexico.

Waxaa eeyga soo dhaweyn diirran garoonka diyaaradaha ee caasimadda Mexico ugu sameeyay shaqaalaha wasaaradda difaaca. Qaar ka mid ah tababarayaasha eeyda ayaa saf ugu jiray si ay usoo dhaweeyaan Eeygan cusub ee ka midka noqon doona cutubka eyda halkaas lagu tababaro.

Mexico oo ah dal halis ugu jira dhul gariir, ayaa leh tiro cutubyo milatari iyo rayidba leh oo adeegsada eeyda looguna tala galay raadinta dadka musiibooyinka ka badbaada,

Febraayo lixdeedii markii Turkiga iyo Suuriya u uku dhuftay dhul gariir xooggan, ayey Mexico u dirtay kooxo wata eeyda samata bixinta si ay eydu u uriyaan halka ay dadku ku jiraan dhismeyaasha hoostooda.

Mid ka mid ah eeyda halkaas loo daabulay waxaa ka mid ahaa Proteo, sagaal jir ah nooca loo yaqaan ‘German Shephard’ oo ay u suurta gashay inuu helo nin iyo haweenay ku hoos jiray burburka.

Proteo ayaa Turkiga ku dhintay. Tababarihiisa ayaa diiday xan sheegaysay in eeygu ku dhintay burbur kusoo dumay xilli uu hawl gal ku jiray, wuxuuna sheegay in uu u dhintay daal badan iyo cimila qabow oo u uku shaqeynayey.

Bakhtigiisa ayaa lagu celiyey Mexico halkaas oo loogu sameeyay xaflad shucuur badan ka hor inta aan la aasin.

Wasaaradda difaaca Mexico ayaa boggeeda Facebook ku sheegtay in ay gacma furan kusoo dhaweynayaan eeyga uu Turkigu ugu deeqay.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo Alshabaab kala Wareegay Deegaano Cusub
Next articleGudoomiye Madaale oo Muqdisho ka Daahfuray Mashruuc 7 Sano Kahor uu Hirgaliyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here