Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Gudoomiye Cali Jayte oo Ciidamo uu Hogaaminaayo oo Weerar Culus ku Qaaday...

Gudoomiye Cali Jayte oo Ciidamo uu Hogaaminaayo oo Weerar Culus ku Qaaday Alshabaab

0

WAR-SAXAAFADEED

Gudoomiyaha gobalka hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa maalinkii sadexaad oo xiriir ah hogaaminayo gulufka ka dhan ah khawaariijta Al-shabaab kuwaasoo looga saarayo degaanada koonfurta degmadda Beledweyne oo si dhuumaaleeysi ah ay ku yimaadeen khawaariijta.

Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan mudane Cali Jeyte Cismaan ayaa gaaray Degaanada Jiinka wabiga ee koonfurta magaalada Beledweyne, ayadoo khawaarijta ay dooman isticmaalayeen si Dhuumaaleeysi ah, waxaana laga burburiyey doonyo badan, iyadoo sidoo kalane Firxadkooda aay ku raad joogaan.

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyey in khawaarijta Al-shabaab ay mar walbo sii cararayaan ayagoo Aan laheyn awood ay ku dagaalamaan ciidamada huwanta, Gudoomiyaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Al-shabaab aan fursad la siinin isagoo Xusay in ay yihiin kuwo waqtigooda dhamaaday.

Maamulka gobolka Hiiraan
-DHAMMAAD-

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh Safar uu ka tagi lahaa Lodon oo la joojiyay iyo Sababta keentay
Next articleCiidamada Dowlada iyo Kuwa Galmudug oo Alshabaab kala Wareegay Deegaano Cusub

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here