Ciidamada Dowlada Galmudug iyo kuwa HirShabelle oo la wareegay deegaanno horleh oo Hoostaga Matabaan(Sawiro)

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka oo garab ka helaya kuwa maamullada HirShabelle iyo Galmudug ay la wareegeen deegaanno horleh oo ku yaalla gobolkaasi, isla-markaana ay horey ugu sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

Howlgalladaan ayaa waxaa horkacayey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jayte Cismaan, waxaana ku wehlinayey guddoomiyeyaasha maamullada Matabaan iyo Maxaas, maadaama dhaq-dhaqaaqyada si gaar ah looga sameeyey labadaasi degmo.

Ciidamada huwanta ayaa kooxda Al-Shabaab kala wareegay deegaanada kala ah:- Beer-Gidiid, Bacda, Jilacle, Hees iyo Madhoy oo dhammaan ka tirsan gobolka Hiiraan, sida uu shaaca ka qaaday Bashiir Cabdiraxman Sheekeeye oo ah guddoomiyaha Matabaan.

“Deegaannada Cadawga laga xorreeyay waxaa kamid ah Bacda, Beer-Gidiid, Jilacle, Madhoy, Hees & Deegaanno kale, Howlgalka waxaa iska kaashaday Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada Hir-Shabeelle iyo Galmudug,” ayuu yiri guddoomiyaha Matabaan.