Booliska qeybta guud ee gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray dilkii maanta ka dhacay Laami-yaraha Zoobe ee magaalada Muqdisho, kaasi oo uu askari ka tirsan ciidanka dowladda uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ahaa darawal Mooto Bajaaj.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyed gaar ahaan Ciidanka Saldhigga Degmada Wadajir ayaa qabtay askari tirsanaa ciidanka dowladda oo wiil dhalinyaro ah oo kamid ah kuwa ku shaqeesta gaadiidka moota bajaajta, waaxda Jeneraal Daa’uud, agagaarka laami-yaraha Zoobe ee Degmada Wadajir,” ayaa lagu yiri qoraalka.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed si gaar ah Taliska Qeybta Guud ee Booliska gobolka Banaadir waxaa ka go’an in dhacdooyinka nuucaan oo kale ah uu iska saaro masuuliyad gaar ah si shacabka dhibka loo gestay u helaan Cadaaladda.”
Dibad-baxayaasha ayaa xilligaas dalbanayay in lasoo qabto askartii ka dambeysay falkaasi, si loo horkeeno cadaaladda, loogana qaado tallaano adag oo sharciga waafaqsan.
Dilalka loo geysto darawallada Mooto Bajaajta ayaa mudooyinkii dambe kusoo badanayay magaalada Muqdisho, ayada oo fiidnimadii xalay is-rasaaseyn dhex-martay ciidanka dowladda oo ka dhacday isgoyska Siinaay uu ku dhintay darawal mooto bajaaj.