Home Wararka Maanta Ciidamada ATMIS oo War Culus kasoo Saaray Weerar ay Ahlusuno Qorshaynayso...

Ciidamada ATMIS oo War Culus kasoo Saaray Weerar ay Ahlusuno Qorshaynayso inay Degaanada Galmudug kusoo Qaadaan

0

Taliyaha Sectorka 4-aad ee Ciidanka ATMIS oo maanta Dhuusamareeb soo gaarey ayaa ku dhawaaqey in aysan gacmaha ka laaban doonin Ciidankooda Dhuusamareeb jooga kooxda Ahlusunna ee qorsheynaysa in ay Dhuusamareeb soo weerarto.

Col. Xasan Jaamac, Taliyaha Sectorka 4-aad ee ATMIS oo imaatinkiisa kadib kulan wada-shaqeynta amniga ah la yeeshay saraakiisha Ciidamada amaanka ayaa amar buuxa siiyey Ciidamadiisa Dhuusamareeb jooga oo la farey in saraakiishoodu si joogta ah ula shaqeeyaan Ciidanka federaalka iyo kuwa Galmudug ee ku howlan sidii Caasimada looga difaaci lahaa kooxaha duulaanka ku ah.

Kulankan ayay ka qayb galeen Taliyaha Qaybta 21-aad General Cabdi Jaamac Cigaal, Taliyaha Howlgalinta GorGor Maxamed Dhagawayne iyo Saraakiisha kale ee Ciidanka GorGor.

Ad
Previous articleFaahfaahin Cida Lala Beegsaday Qarax Ka Dhacay Muqdishu iyo Khasaaro Xoogan oo Ka Dhashay?
Next articleBooliska Oo Ka Hadlay Khasaaraha Ka Dhashay Qarixii ismiidaaminta Ee ka Dhacay Muqdisho iyo Cifa lala Beegsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here