Home Wararka Somaliya Ciidamada AMISOM oo Hor istaagay in Musharaxiintu ay galaan Garoonka Aadan Cadde

Ciidamada AMISOM oo Hor istaagay in Musharaxiintu ay galaan Garoonka Aadan Cadde

0

Ciidamada AMISOM ayaa isku dayay in garoonka diyaaradaha u diidaan madaxdii hore ee dalka iyo qaar kamid ah musharaxiinta Madaxweynaha, kadib markii ay ku amreen in aysan geli karin iyagoo ilaala wato.

Madaxdii hore ee dalka ayaa damacsanaa ka qeybgalka soo dhaweynta iyo aaska Marxuum Cali Mahdi Maxamed oo goordhow laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde.

Muddo ka badan saacad ayaa waxaa socday dood iyo taag taag ciidan. AMISOM waxay sheegtay in amarkaan uu ka soo baxay madaxda dowladda ee muddo xileedka ka dhaamaday, waxaana maanta halis loo galay in garoonka dagaal ka dhaco, taas oo ugu dambeyn sababtay in mucaaradka loo ogolaado in ciidankooda la galaan.

Ad
Previous articleDiyaarad siday Meydka Madxweyne Cali Mahdi oo Muqdisho ka soo Degtay
Next articleMadaxweyne Cali Mahdi oo Maanta aas Qaran Muqdisho Loogu sameeyay (SAWIRO)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here