Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Jaawaab Culus Ka bixiyay Weerarkii Habeen Hore ee...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Jaawaab Culus Ka bixiyay Weerarkii Habeen Hore ee Daarusalaam

0

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa xalay qaaday tallaabo deg-deg ah oo jawaab u ah weerarkii ay habeen hore Al-Shabaab ka gaysteen gudaha degmada Daarusalaam ee gobolka Banaadir.

Ciidamada Booliska, kuwa Nabad-Sugidda iyo ciidanka Xasilinta caasimada ayaa xalay isku fidiyay xaafadaha degmadaas, iyaga oo ka sameeyay howlgallo amni xaqiijin ah.

Howlgallada oo bartilmaameed ah ayaa lagu beegsaday guryo ku yaalla Daarusalaam oo laga soo qabtay dhalinyaro iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Dhalinyarada lasoo qabtay oo aad u badan ayaa la’isugu keenay hal goob, waxaana kadib fagaarahaas kula hadlay qaar kamid ah saraakiisha ciidanka ee dowladsa Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka qaybta bari Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax oo horkacayay howlgalka ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu ahaa amni xaqiijin, si looga hortego weerarada Al-Shabaab, burcadda iyo kooxaa ka ganacsatada waxyaabaha maanka dooriya.

Gaanshaanle Dhexe Macallin Faarax ayaa ugu baaqay dadka deegaanka inay kala shaqeeyaan amniga, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah.

Weerarkan ayaa daba socda qaraxyo habeen hore ka dhacay Daarusalaam oo lagu beegsaday goobo ganacsi, kadibna ay xigtay rasaas toos ah, waxaana laamaha amniga oo dhankooda ka hadlay weerarkaas ay sheegeen in qaraxyadu ay ahaayeen kuwa dheemish ah.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articlePuntland oo Guul lama Filaan ah Ka gaartay Dagaalkii ay ku Qaaday Daacish
Next articleXasan Shiikh oo Baaq u diray Israail iyo Falastiin Kadib Heshiikii Lagu Dhawaaqay