Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysanayaal waa weyn oo...

Ciidamada Amaanka Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Eedeysanayaal waa weyn oo ka ganacsanayay Maan-dooriye (Sawirro)

0

Ciidanka booliiska qeybta gobolka Banaadir ayaa howlgal gaar ah ay sameeyeen waxa ay kusoo qabteen saddex qof oo ku eedeysan in ay ka ganacsanayeen maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan .

War kasoo baxay taliska booliiska G/Banaadir ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu soo qabtay saddex eedeysane oo ahaa kuwii ugu waa weynaa ee in muddo ah ka ganacsanayay Maan-dooriyaha nuucyadiisa kala duwan sida: Xashiiska, Qamriga iyo Calaqa.

Booliiska saddexda qof ay soo qabteen waxaa ku jirta haweeney da’ ah oo kamid aheyd dadka ka ganacsada maan-dooriyaha, waxaana magacyada dadka lasoo qabtay kala yihiin.

1- C/qaadir Cali Maxamed( Daraf).
2- Axmed Xuseen Cumar (Axmed Shiikhaal).
3- Saciido Maxamuud Juruf( Saciido Buraale).
Ciidanka booliiska ayaa maalmihii lasoo dhaafay xoojiyay howlgalada ka dhanka ah maan-dooriyaha sida xashiishka , calaqa iyo qamriga, waxa ayna ciidamada xabsiga dhigeen dad badan oo ka ganacsanayay waxyaabahaasi maankadooriya.
Ad
Previous articleCanada oo beenisay war uu faafiyey wasiirka arrimaha dibadda Kenya
Next articleWasiirada Soomaaliya oo Isku Raacay in Amniga Muqdisho Wax wayn Laga Qabtay(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here