Home Wararka Maanta Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Garowe Dad kusoo...

Ciidamada Amaanka Magaalada Muqdisho oo Gacanta Kusoo Dhigay Rag Garowe Dad kusoo laayay

0

Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir ayaa xalay gacanta ku dhigay koox ku eedeysan inay dil iyo dhaawac ka soo geysteen magaalada Garowe, raggaan ayaa la sheegay in Muqdisho lagu qabtay iyagoo baxsad ah.

Kooxdaan oo ka kooban seddax rag ah ayaa ku eedeysan dilka muwaadin lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Jeylaani iyo dhaawaca Hanad Xasan Cawil.

Taliska Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir oo horay loogu soo gudbiyay xogta eedeeysanyaashaan ayaa xalay labo kamid ah raggaan ka soo qabtay guri ku yaalla degmada Shibis, halka midka kale laga soo qabtay degmada Xamar-Jajab.

Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Hoobiyaal Lagu Garaacay Madaxtooyada Soomaaliya
Next articleMaraykanka Oo War kasoo Saaray Duqaymo uu Ku Laayay Alshabaab ka Ku Sugan Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here