Home Wararka Somaliya Galmudug Ciidama Hor Leh oo la geeyay Dhuusamareeb

Ciidama Hor Leh oo la geeyay Dhuusamareeb

0

Diyaarad siday Ciidamo ka tirsan kuwa Gorgor ayaa waxaa ay Maanta ka degtay garoonka diyaaradaha Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Ciidamada oo horay u joogay Magalada Dhuusamareeb ayaa dhawaan laga soo qaaday, hayeeshee Manta dib loogu celiyay, waxaana ay ka tirsan yihiin Ururka 5-aad ee Gorgor.

Wararka laga helay Dhuusamareebn ayaa waxaa ay sheegayaan  in Ciidamada ay ku biireen oo ay xoojin u noqonayaan ururka 13-aad, Guutada 17-aad ee kumaandooska oo hore Dhuusamareeb u joogay.

Warraka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamadaan ay kamid noqonayaan Ciidamada ay dowladda Soomaaliya u diyaarisay howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo howlgalka dib loogu soo celinayo gacanta dowladda degmada Guriceel oo ay la wareegeen Ciidamo taabacsan Ahlusunna.

Ad
Previous articleRa”isul Wasaaraha Itobiya oo Magacaabay Golahiisa Wasiiradda
Next articleKenya oo Ciidamo Hor Leh u Soo diraysa Somaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here