Home Wararka Maanta Kenya oo Ciidamo Hor Leh u Soo diraysa Somaliya

Kenya oo Ciidamo Hor Leh u Soo diraysa Somaliya

0

Dowladda Kenya ayaa waddo qorshe ay ku xoojineyso joogitaankeeda Soomaaliya, iyadoo ciiddamo horleh usoo diraysa Soomaaliya.

War-saxaafadeed  ka soo baxay xafiiska Kormeeraha Guud Hillary Mutyambai ayaa lagu sheegay in Soomaaliya la geyn doono ciidamo boolis ah oo hoos yimaada magaca AMISOM si ay gacan uga geystaan ilaalinta sharciga iyo kala dambeynta.

“Kormeeraha guud wuxuu u ballanqaaday wadashaqayntiisa iyo taageeraddiisa si loo gaaro waajibaadka Midowga Afrika,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay xafiiska Hillary Mutyambai”

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay weli tahay welwel amni oo joogto ah isla markaana Kenya ay qaadan doonto kaalinteeda ku aaddan sidii dalku u noqon lahaa mid ammaan ah.

Kenya waxaa Soomaaliya kaga sugan ku dhawaad 3500 oo askari, kuwaas oo ku howlgalla magaca AMISOM.

Alshabaab ayaa horay weeraro uga geysatay Kenya si ay cadaadis ugu saarto dowladda Uhuru Kenyatta inay aqbasho dalabka kooxda ee ah inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya.

Madaxa dawladda Kenya ayaa ku adkeystay in joogitaanka ammaanka Kenya ee Soomaaliya uu sii socon doono ilaa Soomaaliya laga nabadeeyo oo lagu soo celiyo nidaamkii iyo kala dambayntii dalka.

Madaxweynihii hore Mwai Kibaki ayaa ciidamada Kenya ku amray inay gudaha u galaan Soomaaliya kadib markii Al Shabaab ay weeraro is xigxigay ku qaaday dalka Kenya.

Ad
Previous articleCiidama Hor Leh oo la geeyay Dhuusamareeb
Next articleMid ka mid ah dadkii Laascaanood Laga Soo Masaafuriyay oo Galkacyo ku geeriyooday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here