Home Wararka Maanta Caruus ku dhintay xafladdii arooskiisa

Caruus ku dhintay xafladdii arooskiisa

0

Warbaahinta Nigeria ayaa tebisay dhacdo “argagax gelisay” dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Enugu, kaddib markii lix ruux oo uu ku jiray nin caruus ah ay ku geeriyoodeen xafladdi arooskiisa.

BBC-da laanteeda luuqadda Hausa ayaa shaacisay in haweeneydii aroosadda ahayd iyo labo qof oo kale la dhigay isbitaalka.

Ninka arooska ahaa, oo magaciisa lagu sheegay Obinna Dieke, ayaa ka mid ahaa ganacsatada magaalada Markurdi ee gobolka Benue.

Chinedu Dieke, oo la dhashay ninka arooska ahaa ee dhintay ayaa BBC Pidgin u sheegay in gabadhii uu walaalkiis guursanayay walaalkeed, Joseph Ogbonna iyo labo wiil oo uu dhalay, Chijindu iyo Obinna ay sidoo kale ku dhinteen dhacdadaas.

Chinedu ayaa sheegay in walaalkiis uu ahaa qofka qoyskooda ay ku tiirsanaayeen, oo nolol maalmeedka u soo saari jiray.

Waxa uu intaas ku daray in walaashiis, Goodness iyo hooyada dhashay Chijindu iyo Obinna ay ku jiraan isbitaalka.

Gabadha aroosadda ah hooyadeed ayaa iyadana lagu daweynayaa isbitaalka, inkastoo ay xaaladdeeda soo wanaagsanaatay.

Qof ka mid ah dadka deegaanka, oo codsaday in aan magaciisa la shaacin, ayaa sheegay inay ka shakisan yihiin in sababta dhimashada ay tahay raashin sumaysan oo xafladda arooska la geeyay, inkastoo aan arrintaas la xaqiijin, sida ay qortay BBC Hausa.

Ilo-wareedyo kale ayaa sheegay in tuhun laga qabo in dhimashada uu sabab u yahay qiiq wasakheysan oo ka baxay matoor ka shidnaa guriga uu arooska ka socday, gaar ahaan meel barando ah oo ay joogeen dadka waxyeelladu gaartay.

Hase yeeshee qofka u warramay BBC-da ayaa sheegay in sida kaliya ee lagu ogaan karo sababta saxda ah ay tahay in meydadka baaritaan lagu sameeyo.

Baaritaanka booliska

Dhanka kale, taliyaha boolsika deegaanka, Eungu Ahmed Ammani, ayaa ku amray waaxda dambi-baarista inay baaritaan qoto-dheer ku sameeyaan sababta keentay geerida dadkaas.

Bayaan uu soo saaray afhayeenka booliska gobolka, Daniel Ndukwe, ayuu ku sheegay in taliyaha booliska uu ka codsaday dadka ku nool deegaanka ay arrintu ka dhacday inay isdajiyaan, ayna booliska ku caawiyaan baaritaanka dhacdadaas.

“Markii ay soo baxeen wararka ku saabsan dhimashada lix qof iyo siddeed kale oo isbitaalka la dhigay kaddib dhacdadii ka dhacday tuulada Akutara, August 27, 2022, taliyaha booliska gobolka Enugu waxa uu amar ku bixiyay in baaritaan dhammeystiran lagu sameeyo sababta keentay dhimashada iyo xaaladda caafimaad ee dadka kale,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Ad
Previous article11 Ka Tirsanaa Alshabaab oo Lasoo Bandhigay(Sawiro)
Next articleSirdoonka Soomaalia oo baaritaan ku wada Sarkaal loo magacaabay Madaxtooyada Qaranka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here