Home Wararka Maanta Cali Guudlaawe oo Gaaray Degmo laga abaabulaayo Weerarkii igu danbeeyey ee Alshabaab...

Cali Guudlaawe oo Gaaray Degmo laga abaabulaayo Weerarkii igu danbeeyey ee Alshabaab Hirshabeele looga saari doono

0
Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray Degmo Xeebeedka Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Degmada Cadale Xildhibaano, Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada, iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada.
Madaxweynaha ayaa sheegay in socdaalkaan uu ku yimid degmada cadale uu ka duwan yahay socdaaladiisii hore, isagoo sheegay in safarkiisa uu ku qotomo dardargalinta howlgalada lagu xureynayo deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dagaalka dalka looga xureeynayo argagixisada arxanka daran ee alshabaab ay hormuud u noqdaan shacabka Gobolkaan isagoo xusay in deegaano badan oo dalka ah laga xureeyay kooxaha argagixisada.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa saraakiisha iyo bulshada degmooyinka Gobolka ugu baaqay inay u diyaar garoobaan howgalada lagu ciribtirayo argagixisada cadowga ah ee u taagan xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.May be an image of outdoorsMay be an image of 6 people, people standing and outdoorsMay be an image of 6 people, people standing and outdoorsMay be an image of 5 people, people standing and outdoorsMay be an image of 9 people, people standing and outdoors
May be an image of beach
Ad
Previous articleAlshabaab oo Shalay Si ba,an loogu laayay Dagaalkii Buulo Burte
Next articleGermalka oo ku Dhawaaqay in Nadaamka Difaaca uu geenayo Ukraine

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here