Home Wararka Maanta Cali Guudlaawe oo Eedeyn Culus u jeediyayXildhibanaada Laga so Dootay Hitshabeele

Cali Guudlaawe oo Eedeyn Culus u jeediyayXildhibanaada Laga so Dootay Hitshabeele

0

Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabadda caleema-saarka golaha deegaanka cusub ee degmada Jowhar ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah.

Cali Guudlaawe ayaa khudbaddiisa si weyn ugu weeraray xildhibaannada baarlamaanka ee kasoo jeeeda gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Hoose, isaga oo ku eedeeyay inay kasoo horjeedaan horumarka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

“Annaga waan ognahay in xildhibaanada laga soo doortay deegaanadan inay farqa dhagax ku wataan oo ay tuuryeynaan degmadii iyo deegaankii laga soo doortay ayna dhibaateeyaan, horumarkiina ay u diidaan” ayuu yiri madaxweyne  Cali Guudlaawe.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay caqabad ku yihiin horumarka iyo nabadda deegaanadii lagu soo doortay, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan leeyahay ku deyda kuwa wanaagsan inaad degmadi aad ku dhalatay dadkaagii iyo deegaankaagii dib u dhacooda aad ka shaqeyso maalin weliba aduunka sharaf kuma heleysid, aakhirana ajir kuma heleysid” ayuu mar kale ku yiri khudbaddiisa.

Madaxweynuhu ma carab baabin magacyada xidhibaannada uu ku weeraray khudbaddiisa, waxaase uu sheegay inay yihiin alifley siyaasadeed.

“Kuwa khaladaadka sameeya hebel hebe dhihi meyno, waxaanse u aragnaa inay yihiin ilmo yaryar oo siyaasadda ku cusub oo alifley siyaasadeed ah, dana mooday inay dadkooda iyo deegaankooda dhibaato ka huriyaan” ayuu mar kale yiri.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarkii degmooyinka laga soo doortay iyo nabad-gelyada guud ee deegaanka.

“Waxaan leeyahay labada is haysato ka shaqeeya, sidii ay u heshiin lahaayeen, si horumar laga gaaro nabad-gelyada” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.
Ad
Previous articleCali Wasiir oo la Dilay iyo Banaanbax Culus oo kasocda Muqdisho
Next articleDagaal Qaraar oo Maantay Markale Kasoconaaya Itoobiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here