Home Wararka Maanta Cali Wasiir oo la Dilay iyo Banaanbax Culus oo kasocda Muqdisho

Cali Wasiir oo la Dilay iyo Banaanbax Culus oo kasocda Muqdisho

0

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kaso baxaysa shaqaaqo sababtay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Shaqaaqada ayaa timid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay rasasaaseeyn dadweyne careysay oo dibad-bax ka dhigayay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare.

Dibad-baxa oo ay dhigayeen dadka deegaanka ayaa waxaa looga cabanayay maamulka degmada Warta Nabadda, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadkii ka qayb-galay.

“Waxaa naga maqan xuquuq oo aan u doodeynay, mahaas ayaan banaanbax nabadeed ku heysanay Seynab Xaabseyn waa na leysay, taliyaha saldhigga ayay noo soo dirtay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka dhigayay dibad-baxa.

Sidoo kale hooyo kale oo la hadashay Idaacadda Risaala ayaa sheegtay in ay doonayaan kursi ay lahaayeen ka beel ahaan, kaas oo ay sheegtay in la boobayo.

Xuquuqdeena ayaan u baahanahay, kursigeenna ayaan rabnaa, waxaana iska leh Beesha Macallin Dhiblaawe” ayay iyaduna tiri hooyo kale oo kamid ah dadka deegaanka.

Rasaasta ay fureen ciidamada ayaa waxaa lagu eedeeyay ciidamo ka tirsan kuwa saldhigga Booliska ee degmada Warta Nabadda, sida ay warbaahinta u sheegeeen dibad-baxayaashu.

Ugu yaraan hal wiil oo dhalinyaro ahaa ayaa ku dhintay rasaasta kaas oo lagu Magacaabayay Caki qasiir halka ay ku dhaawacantay haweeney kale, taas oo sii kordhisay xiisadda ka taagan Siinaay.

“Maanta waxaa na haysto wiil walaalkeen ah oo waxba halayn in la dilo askari dowladeedna uu xabad ku dhufto dabadeedna uu Dhashiike nagu weeraro ma aqbaleyno” ayay tiri mid kamid ehellada marxuumka.

Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Warta Nabadda iyo laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.
Ad
Previous articleAskari Toogasho ku Dilay Aabihiis iyo Ciidamada Amaanka Oo Gacanta Kusoo Dhigay
Next articleCali Guudlaawe oo Eedeyn Culus u jeediyayXildhibanaada Laga so Dootay Hitshabeele

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here