Home Wararka Somaliya Jubbaland Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray Gobolka Gedo

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo gaaray Gobolka Gedo

0

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u Qaabilsan Arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame  iyo xubno katirsan Qaramada Midoobay ayaa gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmada Doolow iyo qeybo kamid ah bulshada ku dhaqan degmada Doolow ayaa soo dhaweeyay wefdiga uu hoggaaminayo ergay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo wefdiga la socday ayaa loo galbiyay xeryo dad kasoo barakacay abaarta ku sugan yihiin iyo deegaano kale si ay indhahooda ugu soo arkaan dhibaatada ka dhalatay abaarta ku dhufatay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Degmada Doolow waxaa ku sugan dad badan oo kasoo barakacay abaarta ku dhufaty deegaano badan oo katirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, dadkan xeryaha ku jira ayaana halkaasi wali ku heesata dhibaatooyin xooggan.

Amaanka degmada Doolow ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana magaaladaasi ku sugan ciidamo Nabad Sugid ah oo horey degmadaasi iyo degmooyin kalaba u geeyeen nidaamkii Madaxweyne Farmaajo
Ad
Previous articleDeni oo Sheegay in Madaxweyne Xasan Shiikh Balankii uu uga Baxay
Next articleDeg Deg Alshabaab oo si Xoog ah kula wareegay isbitaalka Ceelbuur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here