Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo iskusoo Dhiibay Dowlada Xog badana Shaaciyay

Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo iskusoo Dhiibay Dowlada Xog badana Shaaciyay

0

Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo magaciisa afgarashadiisu ay tahay Lagooye ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xooga ayaa magaalada Baydhabo kusoo bandhigey Ninkaan oo la sheegay in uu Al-Shabaab u qaabilsanaa Jabhada.

Lagooye ayaa ka tirsanaa Al-Shabaab muddo saddex sano ah, wuxuuna ka qeyb qaatay dagaalo dhowr oo ka dhacay deegaano katirsan gobolka Baay.

Cabdiraxmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa ku sheegay sababta uu isku soo dhiibay “inay jiraan dhibaatooyin dhanka nolosha ah” oo ay kooxdu ku hayso Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu ugu baaqay xubnaha kale ee weli ku jira kooxda inay isaga soo baxaan, islamarkaana aysan qeyb ka noqon dhibaateynta shacabkooda.

Saraakiisha ciidamada qeybta 60-aad ayaa dhankooda soo dhaweeyay Cabdiraxmaan Baraka Xasan oo isku soo dhiibay, iyaga oo xusay in weli fursad haystaan xubnaha kale ee Al-Shabaab si ay isugu soo dhiiban.

Si kastaba, xubnaha Al-Shabaab ka tirsanaa ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa bilihii u dambeeyay soo kordhayay, ayada oo si wanaagsana loo soo dhaweynayay.

Ad
Previous articleMid ka mid Ah Jeneraalada Uga Sareeya Ruushka oo ukrain lagu Dilay
Next articleDalal ka Tirsan Yurub oo Diiday inuu Hawadooda Maro Wasiirka Arimaha Dibada Ruushka Xili uu Safar ahaa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here