Home Wararka Maanta Caasho Abuukar Ibraahim oo Shahaadada Masterka Ka Diyaarinasay Dalka Masar oo Gurigeeda...

Caasho Abuukar Ibraahim oo Shahaadada Masterka Ka Diyaarinasay Dalka Masar oo Gurigeeda Lagu Dhex dilay

0

Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar waxaa lagu dilay gabar Soomaaliyeed oo wax ka dhiganeysay jaamacad kutaalla dalkaasi, waxaana la sheegay in gabadhan uu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed.

Caasho Abuukar Ibraahim oo ka baxday Jaamacadda Banaadir ee Muqdisho, haddana ku jirtay jaamacad kutaalla Masar ay dooneysay in ay ka qaadato shahaadada heerka labaad ee mastarka ayaa lagu dhax dilay guriga ay degneed.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in gabadhan uu dilay muwaadin kale oo Soomaaliyeed oon magaciisa la shaacin, walina lama oga sababta keentay dilka uu gabadhan u geestay muwaadinka kale ee Soomaaliyeed.

Booliiska magaalada Qaahira ee caasimadda Masar ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay ruuxii dilka geestay, waxa ayna sheegeen booliiska in ay socdaan baaritaano ku aadan dilka ayna dib ka faahfaahin doonaan natiijada baarista.

Ad
Previous articleAskari ka TirsanCiidamada Dowlada oo Wiil Dhalinyara Si Bareee ah ugu Dilay Muqdisho Xili iskuul Ka Yimid
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Qarax Goordhoe Ka Dhacay is Zoobe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here