Home Wararka Caalamka Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka...

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

0

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub oo dalkaasi looga saarayo dad badan oo soo galay xilligii dowladdii Madaxweyne Biden.

Kumannaan qof oo muhaajiriin ah oo dalka Mareykanka tegay xilligii maamulka Biden isla markaana ku baxay barnaamaij gaar ah oo jadwal loogu sameeyay ballamaha dadka magangalyo-doonka ah ayaa lagu amray inay dalkaasi degdeg uga baxaan.

Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa ku warrameysa in ku dhowaad 900,000 oo muhaajiriin ah oo dhanka koofureed kasoo galay Mareykanka kuna tegya barnaamijka, CBP One,  in ay isaga baxaan Mareykanka, haddii kale ay mari doonaan haddii la qabto ciqaab adag.

Muhaajiriintan hadda la amray in ay ka baxana dalka Mareykanka , ayaa horrey loo siiyay ogolaansho in muddo labo sano ah si sharci ah uga shaqeestaan gudaha Mareykanka, hasa ahaatee maamulka Madaxweyne Trump, ayaa kala laabtay dadkaasi fursadahaasi horey loo siiyay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka, ayaa horrey u ballanqaaday in Mareykanka ka saari doono muhaajiriinta sida sharcidarada ah kusoo galay dalkaasi, waxa uuna markii uu talada dalkaasi la wareegay durba bilaabay in uu tarxiilo qaar kamid ah muhaajiriinta Mareykanka sharcidarada kusoo galay.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleHorjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe
Next articleCaalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat