C/raxmaan C Shakuur Warsame oo ku Baaqay in La Joojiyo Xiisad ka taagan Galmudug

Musharax Madaxweyne C raxmaan C shakuur Warsame Ayaa si Kulul uga Hadlay Dagaalo iyo Xiisad ka Soo cusboonaaday Deegaanka Lagu Magacaabo Bahool oo u dhaxeeyay Ahlusuna iyo Ciidamada Galmudug.

Baaqa Deg Deg ah ayuu udiray Siyaasiga C/raxmaan C shakuur Warsame Galmudug iyo Ahlusuna, waxuuna Sheegay in Cadawga Galmudug uu yahay Alshabaab oo kaliya.

qoraalka Musharaxa Ayaa u qornaa Sidaan

Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka bohol ee Galmudug.

Cadawga Galmudug waa Al-Shabaab. Dagaal kasta oo lagu qaado cid aan Al-Shabaab aheyn wuxuu ka dhigan yahay gacansiin dadban oo argegexisada la siiyo iyo doorashadii oo looga mashquulo, labada arrinna waxay dan u yihiin Villa Somalia.

Waxaan ugu baaqayaa hoggaanka Galmudug, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka deegaanka in dirirta lagu beddelo wadahadal, abaabulka iyo awoodda ciidana Al-Shabaab lagu wajaho iyadoo mideysan. Raysalwasaare Rooble waa in uusan ogolaan in furin kale lagu furo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*