Home Wararka Maanta isbitaalka Martiini oo Maanta Daawo Loogu Deeqay Qeyb cusubna Lagu soo Kordhiyay...

isbitaalka Martiini oo Maanta Daawo Loogu Deeqay Qeyb cusubna Lagu soo Kordhiyay {Sawiro}

0

Munaasabadan Isbitaal Martino lagu gudoonsiinayay Agablaka Caafimaad oo ay ugu deeqeen Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya ee loo yaqaano CIMIC EUTM, oo ay ka qeybgaleen Safiirka Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya Alberto Vecchi iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa Agab Caafimaad lagu gudoonsiiyay maamulka  Isbitaal Martino.

Agabkan oo isugu jiray Mishino Casriga ah iyo qalab Caafimaad  ayay  Cutubyada Ciidanka Talyaaniga Soomaaliya  ay gudoonsiiyeen Isbitaalka Martino, oo kaalin weyn ka qaadanayaa u adeegsita Bulshada Soomaaliyeed.

Ugu horeen Agaasime ku xigeenka Isbitaalka Martiini ayaa uga mahadceliyay Dowladda Taliyaaniga deeqadan caafimaad ee ay maanta ugu deeqeen isbitaalka si loo xoojiyo adeega ay u hayaan Bulshada.

Safiirka Dowladda Taliyaaniga ee Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in dowladda Talyaaniga ay wada shaqeyn wanaagsan kala dhaxeyso guud ahaan Hey’adaha Dowladda gaar ahaan Wasaaradda Caafimaadka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Fowsiya Abiikar Nuur oo gudoontay qabalbkan Caafimaad ee dowladda Taliyaanigu ay ugu deeqday Isbitaalka, ayaa sheegtay in wax weyn ka tari doonto adeeyada Caafimaad ee uu Isbitaalka u hayo  Bulshada Soomaaliyeed.

Ad
Previous articleBuunadada Magaalada cadaado oo dib u dayactir lagu sameeyay Xarigana Laga jaray
Next articleWeriye Caawa Lagu dhaawacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here