Home Wararka Maanta Boqolaal askari oo ku dhintay xero uu tababar uga socday & Sababta...

Boqolaal askari oo ku dhintay xero uu tababar uga socday & Sababta ka dambeysa

0

In ka badan 200 oo askari ayaa ku dhintay intii uu socday tababar ay ku qaadanayeen xeryo kala duwan oo ku yaalla Suudaanta Koonfureed.

Sida uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dalkaas Riek Machar arrintan ayaa dhacday ka hor inta aysan qalin jebin dufcaddii ugu horreysay ee ciidamada.

Wuxuu xusay in askartu ay ku nafwaayeen xaalad cimilo-xumo iyo arrimo kale mar uu ka hadlayay xafladdii qalin-jabinta ee ka dhacday caasimadda Juba.

Askarta dhintay badankood waxay ka soo jeedaan jabhadihii hore ee Sudan ee SPLA iyo Isbahaysiga Mucaaradka koonfurta Sudan SSOA.

“Waan ogahay in in ka badan 200 oo asxaabtiinna ah ay ku dhinteen 18-ka xarun ee tababarka qaar. Waxay u dhinteen cudurro, maaddaama aysan jirin dawooyin, qaarna waxay u dhinteen gaajo, iyo cunto-la’aan“.

“Maanta waxaan idinku hambalyeynayaa dadaalkiinna, dulqaadkiinna iyo dhiirranaantiinna,” ayuu Riek Machar ku yiri ciidamadii qalin-jabiyay.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Koonfurta Sudan in ka badan 22,000 oo rag iyo dumar isugu jira kana wada tirsan ciidamada gaarka ah ee qaranka iyo kuwa booliska ayaa ka qalin jabiyay xarumaha tababarka.

 

 

Ad
Previous articleShiikh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey Shirka Baarlamanada Afrika (Sawirro)
Next articleKoox hubeysan oo Muqdisho ku dilay nin abuukaate ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here