Booliska Stockholm oo caawinaya Qoysaska Nawaaxiga järva Si Caruurta looga badbaadiyo Kooxaha Gangiska

Poto: Johan Nilsson / TT

Kadib toogashadii dhiigga badan ku daatay ee ay ka fuliyeen burcadda aagga Järva ee gobolka Stockholm, xagaagii la soo dhaafay, inta u dhexeysa 10 ilaa 20 qoys ayaa ka helay booliiska iyo adeegga bulshada caawimaad ay uga guuraan aaggaas, iyadoo ujeedadu tahay in la ilaaliyo carruurta iyo sidoo kale joojinta dariiqa dembiyeed ee carruurta qaar.Kuwa ku lugta leh kooxaha gaangiska.

Xagaagii la soo dhaafay, waxaa dhacay seddex dil labo bilood gudahood – tan iyo waqtigaas, toogasho badan ayaa lala xiriiriyay isku dhaca u dhexeeya kooxaha gaangiska ah ee xaafadaha Rinkeby, Husby iyo Tenista.

Sida ay booliisku sheegeen, in badan oo ka mid ah dadka ku lugta leh ayaa ah dhalinyaro, ka yar 18 sano, qoysas badanna waxay ka baqayaan in wiilkoodu noqdo kan la dilayo marka xigta, ama la dili doono.

Saldhigga cusub ee booliska ee ku yaal Rinkeby, booliska iyo adeegga bulshada ayaa si dhow uga wada shaqeynaya sidii loo jabin lahaa isbeddellada iyo taageerada qoysaska.