Home Wararka Somaliya Booliska Somalia oo digniin kasoo saaray dhaqan xumada soo korortay

Booliska Somalia oo digniin kasoo saaray dhaqan xumada soo korortay

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Booliska Somalia ay bilaabeen qorsho looga hortagayo dadka waxyaabaha dhaqan xumada ah sameeynaya.

Waxaa uu sheegay in Muqdisho iyo guud ahaan dalka ay kusoo kordheen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, sidoo kalena isticmaalaya dawooyin maanka doorinaya.

Ugu dambeyn Taliye Xijaar waxaa uu sheegay in qorshaha ka hortagga dhaqan xumada iyo isticmaalka maandooriyaha ay ka caawin doonaan qaar kamid ah Wasaaradaha dowladda, sida Wasaaradda Diinta & Awqaafta ee Xukuumadda Soomaaliya.

Warkaan kasoo baxay Taliyaha Ciidanka Booliska Somalia ayaa kusoo aadaya xilli sanadihii la soo dhaafay Magaalada Muqdisho kusoo bateen dhalinyaro sameeynaya waxyaabo dhaqan xumo ah, isla markaana isticmaalaya maandooriye

Ad
Previous articleDowladda Federaalka Itoobiya Oo Wacad Ku Martay Inay Ka Adkaaneyso Jabhadda Tigray
Next articleDowladda Abiy Axmed oo halis ku jirta 9 Jabhadood oo isku baheestay riditaankeeda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here