Home Wararka Maanta Dowladda Abiy Axmed oo halis ku jirta 9 Jabhadood oo isku baheestay...

Dowladda Abiy Axmed oo halis ku jirta 9 Jabhadood oo isku baheestay riditaankeeda

0

Sagaal kooxood oo dowladda Itoobiya ka dhan ah ayna ku jirto kooxda TPLF ayaa isku raacay inay sameystaan isbahaysi ka dhan ah maamulka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed. Arrintan ayaa cadaadis hor leh saareysa Abiy, iyadoo mucaaradku ay ku sii siqayaan caasimadda.

Balse xukuumadda Addis Ababa ayaa sheegtay inay ka guuleysan doonto ayna sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto kooxda mucaaradka ah ee Tigrey.

Labo ka mid ah kooxaha, waa Ciidamada Xoreynta Oromada (OLA) iyo Dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiyadda Agaw (ADM), ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u xaqiijiyay jiritaanka isbahaysigan cusub.

Isbahaysigan, oo lagu magacaabo United Front of Ethiopian Federalist and Confederalist Forces, waxaa sidoo kale ka mid ah TPLF, oo dowladda Abiy la dagaallameysa muddo sanad ah, dagaalkaas oo ay ku dhinteen kumannaan qof halka in ka badan labo milyan oo kalena ay guryahooda ka qaxeen.

 kooxaha isbaheystay ayaa heshiiska ku saxiixay maanta oo Jimce ah magaalada Washington, sida ay shaaciyeen.

Ergayga Gaarka ah ee Mareykanka u qaabilsan Geeska Afrika ayaa ku sugan Addis Ababa isagoo kulamo la yeelan doona wasiiradda dowlada.

Ad
Previous articleBooliska Somalia oo digniin kasoo saaray dhaqan xumada soo korortay
Next articleSweden oo Baasaboorka kala wareegtay Nin Soomaali ah oo lunsaday malaayiin dollar

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here