Dowladda Federaalka Itoobiya Oo Wacad Ku Martay Inay Ka Adkaaneyso Jabhadda Tigray

Dowladda Itoobiya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto dagaalka ay kula jirto xoogaga fallaagada Tigreega, inkastoo ay sii kordhayaan baaqyada caalamiga ah ee ah in xabbad joojin la sameeyo.

Warbixin lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay ku jirto dagaal ay ku badbaadinayso jiritaanka waddanka, isla markaana aysan ku joojin doonin dacaayad shisheeye.

Waddamada Afrika, Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa ku celceliyay baaqyada ku aaddan xabbad joojinta, iyo in wada-hadalal lagu soo afjarayo colaadda.

Waxaa Itoobiya booqasho ku jooga ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, Jeffrey Feltman, kaasoo ku dedaalaya in wadahadal lagu dhameeyo colaadda Itoobiya.