Home Wararka Somaliya Galmudug Boliiska Soomaaliya oo ka hadlay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Kantaroolka...

Boliiska Soomaaliya oo ka hadlay Qarax ismiidaamin ahaa oo ka dhacay Kantaroolka Madaxtooyada

0

ku dhawaad 10 ruux, ayaa ku dhimatay Qarax loo adeegsadey gaari laga soo buuxiyey walxa qarxa oo Sabtida maanta ah ka dhacay agagaarka Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan isgoyska Ceelgaabta.

Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay sidoo kale in ay ku dhawaacmeen 9 ruux, kuwaasoo hadda xaaladooda Caafimaad lagula tacalaayo Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Dadka dhintay ayaa isugu jiray Saraakiil dowladeed iyo dad shacab ah oo goobta marayay.

laamaha Ammaanka ayaa sheegay in laga yaabo in khasaare ay sii kordhaan maadaam ay jiraan dhaawacyo badan oo la gaarsiiyay Isbitaalada.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana dadka ku dhintay ka mid ahaa Haweenay Ka tirsaneed Xafiiska R/W Soomaaliya oo dhanka Haweenka qaabilsaneed.

Ad
Previous articleMadaxweyne Ku xigeenka Galmudug oo gaaray Hobyo (Sawiro)
Next articleHibaaq oo ka Tirsaneed Xafiiska R/W Rooble oo Qaraxii Maanta ku dhimatay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here