Home Wararka Somaliya Bisha cas ayaa War ka soo saartay weerar lagu qaaday xarunta ururka...

Bisha cas ayaa War ka soo saartay weerar lagu qaaday xarunta ururka bisha cas ee magaaladda Baardheere.

0

Guddiga Caalamiga ah ee Laanqeyrta Cas (ICRC) iyo Ururka Bisha Cas ee Soomaaliyeed (SRCS), ayaa cambaareeyay weerar lagu qaaday xarunta ururka bisha cas ee magaaladda Baardheere ee gobolka Gedo.

Qoraal ay si wadajir ah ay u soo saareen ururadan ayay ku sheegeen inay ka xun yihiin dabkii loo geystey xaruntii bisha cas ee Baardheere iyo dhaawac loo geystey qaar ka mid ah shaqaalihii xaruntaas.

“Sadexdeena saaxiib ayaa ka soo kabanaya dhaawacyada soo gaaray. Waxa aan qiimeyneynaa waxyeellada soo gaartay xarunta caafimaadka laakiin burburka ayaa aad u ballaaran. Dabka ayaa gabi ahaanba baabi’yay xarunta caafimaadka iyada oo ay damintiisuna saacado qaadatay.“ ayuu yiri Axmed Maxamed Cadale, agaasimaha SRCS.
Sidoo kale Madaxa ICRC ee dalka Soomaaliya Juerg Eglin ayaa sheegay in dabka loo geystey xaruntan ay saameyn ku yeelatay illaa labo kun oo ruux oo baaritaano loogu sameyn jirey xaruntan bil walba.

“Tani waa wax aan la aqbali karin! Qoysaska iman jiray xarunta caafimaadka ayaa hadda ku qasban in ay meelo kale daryeel caafimaad u raadsadaan. Ma jirto sabab loo weerari karo xarun ama shaqaale caafimaad.” ayuu yiri Juerg Eglin, Madaxa ICRC-da Soomaliya.

Helitaanka daryeel caafimaad ayey wali dhibaato ka jirtaa gudaha Soomaaliya iyada oo ay inta badan xarumaha caafimaadku ku yaalaan goobo aysan bulshada badankeedu gaari karin. Kaliya 15 boqolkiiba oo ah dadka ku nool miyiga ayaa la qiyaasayaa in ay helaan daryeel caafimaad, arintan oo ah caqabad ay uga sii daraan colaadaha iyo dhibaatooyinka cimillada ee socda.

Xarunta caafimaadka Baardheere waxaa la furay sanadkii 2000 waxaana maamula 19 shaqaale caafimaad ah. Xarunta ayaa la ballaariyay sanadkii 2018 waxa ayna bixisaa adeegyo caafimaad oo bilaash ah oo ay ku jiraan daryeelka bukaan socodka, barnaamijka nafaqeynta iyo sidoo kale bartilmaameedka quudinta dheeriga ah si qoysaska loogu caawiyo in ay ka hortagaan nafaqo darrida caruurta. Xaruntan caafimaad ayaa ka mid ah 29 xarun caafimaad oo ay Soomaaliya ku leedahay Laanqeyrta Cas oo ay ICRC-du

Ad
Previous articleGoob dadka Lagu badalo wajigooda oo Muqdisho laga furay ayaa Albaabada Loo laabay
Next articleR/W Rooble oo la kulmay Musharaxiinta Madaxweynaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here