Home Wararka Maanta Biden oo awood milatari ugu hanjabay Shiinaha iyo Shiinaha oo aad uga...

Biden oo awood milatari ugu hanjabay Shiinaha iyo Shiinaha oo aad uga carooday arrintaasi.

0
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in Maraykanku uu faragelin milatari samayn doono si uu u difaaco Taiwan haddii Shiinuhu ku soo duulo Jasiiraddaasi.

Hadalka sidan u cad ee uu arrintan ku sheegay ilaa hadda, waxa uu soo afjarayaa sannado badan oo madmadow istiraatijiyadeed uu ka imanayey madaxdii isaga ka horreysay.

Biden oo ka hadlayay booqashadii uu ku tagay Japan ayuu sheegay in Mareykanka ay ka go’an tahay siyaasadda ku salaysan shiinaha oo mideysan.

Laakiin waxa uu sheegay in duullaan lagu soo qaado Taiwan uu kala furfuri doono gobolka oo dhan.

Mareykanka iyo xulafadiisana ma ogolaan doonaan inay taasi dhacdo isagoo barbar dhigaya duullaanka noocaas ah waxa ka socda Ukraine.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sheegay in Beijing ay aad uga xuntahay hadalladan oo kale, isagoo ku daray in Taiwan ay tahay qayb aan la aqbali karin oo ka tirsan dhul weynaha Shiinaha.

Ad
Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo la qaatay Madaxda Galmudug iyo Jubbaland
Next articleGolaha Amaanka Qaramada midoobay oo Ka Arinsaday xaalada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here