Home Wararka Somaliya Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashadii aqalka sare ee Ka...

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashadii aqalka sare ee Ka dhacday Kismaayo

0

Beesha caalamka ayaa soo dhoweyay horumarka laga gaaray hirgelinta heshiiskii 27 -kii May ee ay kala saxiixdeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxweynayaasha Dawlad goboleedyada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka, ayaa dowlad goboleedyada Soomaaliya loogu baaqay inay doorashada aqalka sare dedejiyaan oo aanay mar kale dib u dhac ku imaan.

“Waxaan ku boorineynaa in hawsha harsan lagu soo gabagabeeyo si dhaqso leh. Ahmiyadaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah: diyaargarow ku saabsan amniga doorashada, caddeynta tallaabooyinka lagu xaqiijinayo matalaadda haweenka ee 30 boqolkiiba ee Baarlamaanka, iyo xallinta khilaafka ka taagan guddiga maareynta doorashada ee la sugayo.” ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka.

Beesha caalamka waxay guulo la mahdiyo ku tilmaamtay shaqooyinka dib u heshiisiinta ee lagasoo qabtay gobolka Gedo, magacaabida danjirayaasha si kor loogu qaado qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 iyo doorashada Aqalka Sare oo ka bilaabatay maamul goboleedka Jubaland.

Ad
Previous articleAbaabulka Gurmad Lagu Garab istaagayo Ciidamada Galmudug oo Galkacyo ka bilaawday (Sawiro)
Next articleItobiya ” Waxaan qabanay Alshabaab doonayay in Gudaha dalka ay soo galaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here