Home Wararka Somaliya Itobiya ” Waxaan qabanay Alshabaab doonayay in Gudaha dalka ay soo galaan

Itobiya ” Waxaan qabanay Alshabaab doonayay in Gudaha dalka ay soo galaan

0

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in aay fashilisay isku-day ay kooxda Al-shabaab ku doonaysay inay ku gasho dalka Itoobiya.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska isgaarsiinta ee deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa lagu sheegay in horraantii toddobaadkan la qabtay laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Hal qof oo la tuhunsan yahay ayaa ku dhintay is -rasaaseyn, halka eedaysanaha kale uu dhaawacmay kaddibna gacanta lagu dhigay, sida lagu sheegay bayaanka.

Bishii Janaayo, Itoobiya waxay ku dhawaaqday in la xiray tobanaan qof oo looga shakisan yahay xagjirnimada oo lala xiriirinayo Al-Shabab.

Ad
Previous articleBeesha Caalamka oo war ka soo saartay Doorashadii aqalka sare ee Ka dhacday Kismaayo
Next articleMadaxweyne Laftagareen oo Magacaabay Musharaxiinta aqalka sare iyo Xildhibaano Mucaarad ah oo Laga saaray Liiska (Akhriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here