Home Wararka Maanta Beesha Caalamka oo Ku Guuleysatay isku Keenida Shirkii DFS iyo Dowlad Gobaleedyada

Beesha Caalamka oo Ku Guuleysatay isku Keenida Shirkii DFS iyo Dowlad Gobaleedyada

0

Kadib cadaadis badan oo ay beesha caalamku saartey madaxda Dowladda iyo Dowlad goboleedyada ayaa lagu heshiiyey in maalinta sabtida ah la isugu yimaado shir ay albaabadu u xiran yihiin oo ay beesha caalamkuna qeyb ka tahay kaas oo ka dhacaya teendhada Afisyoone ee xayndaabka Xalane.

Shaxda shirka lagu bilaabey ayaa ah dalabkii ay horay u soo gudbiyeen maamulada Jubbaland iyo Puntland oo ahaa intaan shirka la furin in laga heshiiyo Ajandaha beesha caalamkuna qeyb ka noqoto shirka kaas oo ugu danbeyn la aqbaley.

Hase ahaatee qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Dubbe ayaa ku sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu isugu yeeray shir ka dhici doono Sabtida Teendhada Afisyooni Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Balse Maamulka Puntland ayaa iyana qoraal barahooda bulshada soo dhigeen waxay ku sheegtay inay soo dhoweyneyso dadaal ay waday Beesha Caalamka oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa caqabadaha ku xeeran arrimaha Doorashada, waxaana la isla gartay in Sabtida 03 April 2021, ay Madaxda DFS iyo Dowladaha Xubnaha Ka ah DFS isugu yimaadaan Shir hordhac u noqda Shirka wadatashiga arrimaha doorashada.

Puntland ayaa sheegtay in shirkan ay soo qaban qaabisay Beesha Caalamka ayaa ujeedkiisu yahay si Madaxda Soomaaliyeed ay is afgarad uga gaaraan ajandaha Shirka iyo sida ugu habboon ee uu u qabsoomayo Shirka wadatashiga.

Tan iyo xalay waxaa socday cadaadis xooggan oo labada dhinac la saarayay, waxaana shirka Sabtida la filayaa inay Beesha Caalamka goobjoog ka noqoto, si aanu u noqon shirkii Dhuusamaeeb ee bishii Febraayo lagu soo lala tagay.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo Ciidamo dheeraad ah geysay degaan ka tirsan Galmudug
Next articleKhasaare ka dhashay Shil gaari oo Maanta ka dhacay Muqdisho